747 Views

20 sano kadib maxaa laga dhaxlay duulaankii ciidamada reer galbeedka ku qadeen Afghanistaan?

20 sano kadib maxaa laga dhaxlay duulaankii ciidamada reer galbeedka ku qadeen  Afghanistaan?
____________________________________________________________________________

April 18-2021

Kadib 20 sano oo ay dalka joogeen, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska hadda waxaa ay doonayaan in ay isaga baxaan Afghanistan.

Bishan gudaheeda ayaa Madaxweyne Biden wuxuu ku dhawaaqay in 2,500-3,500 oo ah ciidamada Mareykanka ee ku harsan Afghanistan ay ka bixi doonaan marka la gaaro 11 bisha Sebtember ee soo aadan.

Dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale kala baxaya dalkaas 750- askari oo ku harsaneed.

Laga soo bilaabo weeraradii Al-Qaacida ee 9/11 ka dhacay Mareykanka, oo laga soo qorsheeyey lagana hagayey Afgaanistaan, ayaa keenay in Isbaheysigii uu hogaaminayay Mareykanku uu xukunka ka tuuro Daalibaan isla markaana si ku meel gaar ah Al-Qaacida looga saaro dalka Aghanistaan.

Dhaqaalaha 20-kaas sano ku baxay milatariga iyo ka qaybgalayaasha kale ee amniga wuxuu ahaa mid si aad ah u badan. In kabadan 2,300 oo askar Mareykan ah ayaa la dilay in kabadan 20,000-na waa la dhaawacay, oo ay weheliyaan in ka badan 450 ka soo jeeda UK iyo boqolaal kale oo kasoo jeeda wadamo kale.

Laakiin waaxaa la qaba dhibaatadaas Mareykanka iyo Ingiriiska Afgaanistaan , oo waxaa laga dilay in ka badan 60,000 oo ka tirsan ciidamada amniga iyo dad badan oo rayad ah .

Waxaa lagu qiyaasaa kharashka maaliyadeed ee canshuur bixiyeha Mareykanka in kudhow hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Aynu wax yar dib u noqonno oo aan eegno sababta ay ciidamada reer galbeedku markii horaba u galeen dalka Afghanistaan iyo wixii ay damacsanaayeen

.

Muddo shan sano ah, laga soo bilaabo 1996-2001, koox loo aqoonsaday argagixiso heer caalami ah, oo ah Al-Qaacida, waxay awood u yeelatay inay galangal u yeelato Afgaanistaan, markaas oo uu hoggaaminayay hogaamiyahoodii Al-qaacidda Osama Bin Laden. Ururkaasi wuxuu sameeyay xeryo lagu tababaro argagixisada, , waxayna qorteen qiyaastii 20,000 oo ah dad taabacsanaa oo ka kala yimid meelo kala duwan oo adduunka ah . Waxay sidoo kale qorsheyen

weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadku markuu ahaa 1998, waxaan ku dhintay 224 qof oo u badnaa rayid Afrikaan ah.

Mareykanka, isagoo adeegsanaya xulufadiisa Sacuudiga, wuxuu isku dayay inuu ka dhaadhiciyo Daalibaan inay ka saaraan Al-Qaacida fghanistaan laakiin way diideen. Ka dib weeraradii 9/11 ee Sebtember 2001 bulshada caalamku waxay ka codsatay Daalibaan in lagu soo wareejiyo kuwii ka mas’uulka ahaa weeraradaas – laakiin markale, Taalibaan waa diiday.

Sidaas darteed bisha xigta ciidan ka soo horjeedday Daalibaan ee rka tirsanaa kuwa Afgaanistaan loona yaqaanay Isbahaysiga Waqooyiga ayaa ku sii siqay Kabul, waxaana taageerayay xiligaas xoogagga Mareykanka iyo Ingiriiska iyagoo doonayay in Taalibaan ay xukunka ka tuursana .

Toddobaadkaan illo dhanka amniga ah oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in tan iyo xiligii ururka Daalibaan laga tuuray awoodda aaney dhicin weeraro argagaxiso o caalami ah oo laga soo abaabulay Afghanistan.

Balse taasi, dabcan, waxay noqon doontaa qiyaas aad u fudud oo iska indhatiraysa qasaaraha baaxadda leh ee iskahorimaadku uu ku yeesheen dadka reer Afghanistan, rayid iyo millatariba. Labaatan sano ka dib, dalku wali nabad kama jirto. Sida laga soo xigtay koox cilmi-baaris ku sameysay hubka iyo rabshadaha ayaa 2020-kii sheegay inay arkeen in badan oo reer Afgaanistaan ah oo lagu diley qarxyad marka loo eego waddamada kale ee adduunka.

Ururka IS iyo kooxaha kale ee xagjirka ah ma aysan baabin,wali wayna soo cusboonaadeen waxaana shaki ku jirin inay ka bixitaanka ciidamadaan uu dhiiro galinayo ayna dib isu abaabuli doonaan.

Marka si guud loo eego amniga mustaqbalka ee dalka Afgaanistaan ma wanaagsana . Waxaana ay ciidamada reer galbeedku ka tagayaan dal xaaladda amni ee ka jirtaa ay tahay mid aan la isku haleyn karin.

Dadka falanqeeya arrimahaan ayaa qaba in Afghanistaan halis ugu jirto in Daalibaan qabsato,taas oo saameyna ku yeelan karta wadamada dariska ah oo iyagu Daalibaan ka qaba aragtiyo kala duwan. Sidoo kale waxaa la muujinayaa walwal ah in miro dhal ay noqon waayaan wadahadallo la filayo inay yeeshaan dowladda Afghanistaan iyo Daalibaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post