1083 Views

Donald Trump oo wacad ku maray inuu gacan ka gaysan doono in Jamhuuriga ay ku guuleystaan maamulka Congress-ka ee doorashada 2022.

Donald Trump oo wacad ku maray inuu gacan ka gaysan doono in Jamhuuriga ay ku guuleystaan maamulka Congress-ka ee doorashada 2022.
____________________________________________________________________________

April 11-4-2021

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu gacan ka gaysan doono in Jamhuuriga ay ku guuleystaan maamulka Congress-ka ee doorashada 2022.

Kulan casho ah oo uu deeq-bixiyayaasha Jamhuuriga kula yeeshay hotelkiisa Mar-a-Lago Club ee magaalada Palm Beach ee gobolka Florida, ayuu Trump ku muujiyey inuu yahay hoggaamiyaha Jamhuuriga, wuxuuna ka hadlay mustaqbalka xisbiga iyo waxa ay tahay inay sameeyaan si ay guul u gaaraan musharaxiintooda.

“Waxaan fiidnimadan taaganahay hortiina, aniga aad ugu kalsoon in 2022 aan dib ula wareegi doono Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka, islamarkaana kadib, 2024 uu musharax Jamhuuri ah ku guuleysan doono Aqalka Cad,” ayuu yiri Trump, sida uu qof ka qeyb galay kulanka u sheegay Reuters.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ka-hadal kasta oo ku saabsan qorshihiisa ay tahay in la sugo kadib doorashooyinka November 2022. Dastuurka ayaa u ogolaanay Trump inuu mar kale isku sharxo madaxweyne.

Hase yeeshee isla kulankaas ayaa Trump ku weeraray hoggaamiyaha aqalliyadda senate-ka Mitch McConnel iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Mike Pence, oo labaduba ah Jamhuuri.

Trump ayaa muujiyey inuu weli ka niyad jabsan yahay in McConnel iyo Pence aysan garab istagain kadib markii uu diiday natiijada doorashadii madaxweyne ee looga adkaaday.

Trump ayaa weli rumeysan in doorashada laga xaday, inkasta oo uusan haysan wax caddeymo ah oo taas muujinaya.

Reuters

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post