Muqdisho, 31da Maarso, 2021Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya.
Kulanka oo saacado kooban qaatay ayaa labada dhimac waxaa ay kaga wada hadleen xaalada Amniga doorashooyinka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee Amniga Dalka iyo iskaashiga labada dal.
Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey ayaa uga mahad celiyau dowladda Ingiriiska taageerada dhinaca Amniga oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay inay kordhiyaan.
Safiirka Uk ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay joogteyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________