Muqdisho, 30da Maarso, 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.
Madaxweynaha iyo Danjire Aadan Waxay ka wada hadleen guud ahaan xaaladda dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashada Soomaaliya oo weli muran uu ka taagan yahay.
Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay kala Shaqeneyso sugida Amniga iyo arrimaha doorashooyinka.
Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM ay ka joogaan degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________