4626 Views

Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartay doorashada Soomaaliya

Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartay doorashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24da Maarso, 2021-Weli waxaa Muqdisho ka taagan khilaafka ku aaddan doorashada xilligeedii ka dib dhacday, waxaana taagan baaqyada kasoo baxay Beesha Caalamka xilli magaalada Muqdisho uu weli ka taagan yahay khilaafka arrimaha doorashada.

Midowga Yurub ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay degdeg xal uga gaaraan arimaha ku gedaaman doorashada.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in madaxda Soomaalida ay si deg deg ah uga heshiin doono arrimaha doorashada si loo qabto doorasho nabad ah.

Shir uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana la filayay in shalay lagu saxiixo heshiiska doorashada ayaan sidii la filayay u dhicin.

Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in si weyn ay uga walaacsan yihiin ismari-waagga siyaasadeed ee sii socda ee harreeyay doorashada Soomaaliya.

Qaramada Midoobey waxay dowladda ugu baaqday in laga khilaafka si loo sii ambaqaado shirkaa ka socday garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqnaa shirka iyagoo shuruudo hor dhigay ka qaybgalkooda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post