Muqdisho, 20da Maarso, 2021–Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war kasoo saartay Ciidankii ka tirsanaa NISA ee shalay dowladda Soomaaliya ay geystay degmada Doollow ee gobolka Gedo.
Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaday in uu wali colaad hurin ka waddo gobolka Gedo.
Warka kasoo baxay Jubbaland ayaa sidaan u qornaa:
Jubaland waxaa ka jirta xaalad abaarreed oo ba’an, dhalisayna khasaare balaaran oo naf iyo maalba leh. Waxa isbuucyadii la soo dhaafay lagu hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soo food saartay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubaland.
Haddaba, ayadoo ay taasi jito ayaa waxaa nasiib darro ah in halki Dowladda Federaalku doorkeeda ka geysan lahayd wax kaqabashada dhibaatadaas, inay gobolka Gedo ku sii daabulayso hub, ciidan iyo gaadid dagaal.
Waxa shalay 0o taarikhdu ahayd 19 Maarso 2021, hub, gaadid dagaal iyo ciidan laga dejiyey deegaanada Daawo ee gobolka Gedo, oo awalba la il daraa maleeshiyaad Dowladu Federaalka halkaasi geysay oo dagaallo ka riday, una geystay shacabka deegaankaas boob iyo barakicin. Waxaa iyana ayaan darro ah in ayadoo waddanku ku jiro xili kala guur ah, dhammaadayna muddo0 xileedkii Madaxweynaha Federaalka iyo Goleyaasha Sharci-dejintu, cid walba oo Soomaaliya danaynaysana ay ku baaqayso in diiradda la saaro wada hadal lagu dhammaystirayo caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorasho lo0 dhan yahay, uu Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday weli ka waantoobi la’ yahay dagaal oogid, abuuridda carqalado hor leh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla.
Arrimahaas ayaa looga gol leeyahay jabinta heshiis kasta oo looga gudbi lahaa si mari waaga jira.
Haddaba, Dowlada Jubaland waxay caddaynaysaa in masuliyadda wixil ka dhasha gulufkaas colaadeed uu qof ahaan u yeelan doono Madaxweynaha muddo xileedkisi dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayna noqon doonto xadgudub aan waligiis ka harin.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________