Muqdisho, 16da Maarso, 2021–Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Axmed ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxaana dhinacyadu ay kawada Hadleen Xaaladda dalka iyo Shirka La filayo in uu u furmo Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka GobolkaBanaadir.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganayhay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyada oo Kulanka uu ku wehelinayay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana soo dhaweyn kadib ay diirada saareen sida uu u dhici doono Kulanka Xalka lagaga Gaarayo Arimaha Doorashada Soomaaliya ee Muranka uu Hareeyay.
Shalay ayay ahayd Markii Madaxweynaha Puntland uu qaabilay Qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo kala ah Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________