2001 Views

Maxaa ka jiraa in Kenya lagala wareegi doono dekedda Mombasa?

Maxaa ka jiraa in Kenya lagala wareegi doono dekedda Mombasa?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16da Maarso, 2021–Wasiirka maaliyadda Kenya Ukur Yatani ayaa beeniyay wararka sheegayo in Kenya ay qarka u saaran tahay in Shiinaha uu kala wareego dekedda weyn ee Mombasa sababo la xiriira deymaha badan ee lagu leeyahay kadib mashruuca uu Shiinaha ku dhisay khadka tareenka.

Wargeys maxali ah ayaa ku warramay Isniintii in Shiinaha uu la wareegi karo dekedda Mombasa waa haddii Kenya ay ku guuldareysato inay iska bixiso deynta gaareyso 3.2 bilyan oo doolar.

Wasaaradda ayaa warkaas ku tilmaantay ‘mid waxbo kama jiraan ah oo marin habaabin ah’

Balse bayaan kasoo baxay xafiiska wasiirka maaliyadda ayaa lagu sheegay ‘Gebi ahaanba ma jirto halista in Shiinaha ama dal kale uu la wareegayo dekedda dalka’

Wuxuu intaas ku daray in deynta tareenka ‘aanan lagu bixin karin lacago kale ama ay bixiyaan ha’yado kale iyadoo uusan ansixin baarlamanaka’

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post