Muqdisho Qol March 14 2021
Ilaahay naxariista janno haka waraabiyo waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Wasiirkii hore ee gaashaandigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr.
Marxuum Cabdiraxmaan waxaa uu jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciidanka Soomaaliya, sida Taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa howlgelinta ciidanka Qaranka, militariga ataajiiga Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa xiriirka arrimaha Dibadda ee Wasaaradda gaashaandhiga, Xildhibaan iyo Wasiir Gaashaandhiga.
Marxuum Cabdiraxmaan waxaa u ku dhashay magaaladda Laas Qoray ee Gobolka Sanaag sanadkii 1935. Marxuumku waxaa uu waxbarashadiisii militariga ku soo qaatay wadamada Masar iyo dawladii hore ee Midowga Soofiyeet-ka (dalka Ruushka) oo laba jeer waxbarasho militari loogu diray.
Waxaa kale oo uu waxbarsho la xiriirta militariga ku qaatay dalka Mareykanka. Marxuum Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galay dagaalkii 1964 oo uu ku dhawaacmay, biladna lagu siiyey. Alle ha u naxariisto Jeneraal Beyr.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________