Guux siyaasadeed ,isgarabsi beeleed, Go,aamo tira badan oo aan guul laga dhaxleyn
Waa Gadaha ay la soo baxday gugan siyaasada soomaaliya .
Afartii sanno ee uu xilka hayey Xasan Sheek Mohamamuud waxaa muuqanayey
Ifafaalo u aadan in soomalidu wax uun isku fahmayso
Kulamo farabadan oo dhacay waxaa la iskula gartay nuuca doorasho ee dalku galayo iyo habka loo qanabayo .
Taasi oo sababtay in farmaajaha hada waqtigiisu idlaaday uu villada yimaado . Afar sanno ka dib xaalku ka duwan sidii hore waxaa jiray kulan doceedyo looga arrinsanayey nuuca doorasho ee dalku galayo , habka ay noqoneyso iyo waqtiga la qabanayo.
Lagama gaarin wax guul ah kulamadaas oo loo bixiyey magacyo kala duwan . Mid waliba oo ka mid ahna waxa uu soo dhamaaday iyadoo sheekadu mareyso Ku hidday oo ku habaartay .
Waxaa jiray waraaqado yar yar oo kasoo duul duulayey Mareykanka yar ee ku dhexyaala Mugdishu amma Xerada Xalane Walow aan si rasmi ah loo qaadan baaquadii ay jeedinayeen beesha lixaad .
Iminka Xalane waxaa ka furmaya kula ay Mudeyntiisa,ajendeyndiisa ,casuumaadiisa iyo garwadeennimadiisa leedahay beesha lixaad.
Abla ableeyayaasha siyaasada ayaa rumeysan in kulanka ka furmaya xalane ku suntayo siyaasiyiinta hor fuleyaasha u ah dalka
Kuwa aan ahayn daneeyeyaal qaran ee ah daneysteyaal siyaasadeed maadaama mid waliba oo iyaga ka mid ahi si gaar ah ula yoto,ay dan gaar ah oo isaga gubeysa Lagana keenin Kulamadii dhacay wax guul ah mugdina geliyeen tashigii soomaalida oo soo cadceedsanaya .
Waxaa ay xeeldheerayaashu aaminsanyihiin in ay yihin kuwa aan lagu aamini karin masuuliyad qaran
Waxba yaanan idinku daalin arar dheere maadaama ay meesha ka madax banaanidii ay madaxda dalku ku fagaara hadli jireen shacabkooda.
Afar sanno ka dibna beesha caalamku jahayneeso arrimaha soomaliya Ma la is weydiiye shirka xalane ka furmaya ,
MA TOWS QARAN BAA MISE WAA TALA QARAN ?.
W/Q Ahmed Mohamed Jaamac
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________