Muqdisho Qol March 12 2021
Wararka ka imaanaya garoonka muqdisho ayaa sheegaya in la xaliyay muran kadib amar ay soo rogeen Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Amisom ayaa ayaa gudaha garoonka u diiday musharaxiinta iney la galaan ilaaladooda, xilli halkaas laga soo dajinayay meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed oo horay madaxweyne uga soo noqday dalka.
Ciidamada AMISOM oo amar ka heystay madaxda dowladda ayaa is hor istaag ku sameeyay musharaxiinta oo ay u diideen iney ilaaladooda la galaan gudaha, taasna waxaa ka dhashay xaalad kacsanaan ah.
Sida aan xogta ku helnay ciidamada ay wateen madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa xaalad ka abuuray goobtii, waxeyna diideen in qofna uu galo garoonka, taasna ay abuurtay in ciidamada AMISOM ay qudhooda lasoo baxaan hub culus ilaa xaaladda la dajiyo.
is-mari waaga dhacay oo muddo xaalad kacsanaan ah ka abuuray afaafka hore garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe la xaliyay, waxaana ilaalada musharaxiinta mucaaradka ee doonayay iney galaan garoonka loo ogolaaday iney gudbaan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________