639 Views

Nidaamyada caafimaadka ee Braaziil oo ku dhow inay burburaan sababo la xiriira kiisaska Covid-19

Nidaamyada caafimaadka ee Braaziil oo  ku dhow inay burburaan sababo la xiriira kiisaska Covid-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Nidaamyada caafimaadka ee inta badan magaalooyinka ugu waaweyn dalka Braaziil ayaa ku dhow inay burburaan sababo la xiriira kiisaska Covid-19, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray machadka Fiocruz ee dalkaas.

Xaruuntaan oo saldhigeedu yahay magaalada Rio de Janeiro ayaa sheegtay in in ka badan 80% qolalka gargaarka degdega ah ee 25 magaalo oo ka mid ah 27 gobal ee dalkaas ay mashquul yihiin.

Maalintii shalay ayaa waddanku diiwaan geliyey 1,972 dhimasho ah, oo ah tirada cusub ee maalinle ah.

Braaziil waxay diiwaan gelisay in ka badan 266,000 oo dhimasho ah iyo 11 milyan oo xaaladood ah tan iyo markii uu cudurkan faafay.

Waxay diiwaan galisay tirada labaad ee dhimashada ugu badan adduunka marka laga reebo Maraykanka.

Sida laga soo xigtay machadka Fiocruz, 15 caasimadaha ku yaalla dalkaas Isbitaalladoodu waxay haystaan ICU-gu kuwaas oo in ka badan 90% awood u leh inay cudurka la tacallaan waxaana ka mid ah magaalooyinkaas Rio de Janeiro,Brasilia iyo São Paulo.

Labada magaalo ee ugu waaweyn dalkaas ee kala ah Porto Alegre iyo d Campo Grande ayaa waxaa buuxdhaafay qolalka gargaarka degdeg ah 

Cilmi baarayaashu waxay xoojinayaan in la ballaariyo baahida loo qabo lana xoojiyo tallaabooyinka la xiriira kala fogaanshiyaha bulshada , xirashada waji xirka iyo nadiifinta gacmaha.

Toddobaadkii la soo dhaafay khubarada ayaa u sheegay wargeyska Valor Economic in dhimashadu ay mar dhow dhaafi doonto 2,000 maalintii. Waxay ka digeen in sida kaliya ee looga hortegi karo arintan ay tahay haddii dowladda federaalka ay la wareegto isuduwidda qaran ee la dagaallanka fayraska, iyadoo ku talinaysa adeegsiga maaskarada iyo tallaalka oo si ballaaran loo gaarsiiyo dadka .

In ka badan siddeed milyan oo qof ayaa lasiiyay tallaalkii ugu horreeyay illaa iyo hadda, taas oo ka dhigan in in kabadan 4% dadweynaha dalkaas u gaaray .

Talaadadii shalay, waxaa la diiwaan geliyay in ka badan 70,000 oo kiis, taas oo ka dhigan in 38% ay kiisasku kordhen usbuucii la dhaafay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Korarka dhawaanahan waxaa loo aaneeyaa faafitaanka nooc aad u faafa oo fayras ah oo loo maleynayo inuu ka yimid magaalada Amazon ee Manaus.

Iyadoo taasi jirto, Madaxweynaha Jair Bolsonaro wuxuu dadaal galiyay yareynta khatarta uu leeyahay Covid-19.

Horraantii toddobaadkan isaga oo munaasabad ka hadlayay ayuu yiri “jooji cabaadka”Intee in le’eg ayaad oohintaada sii wadi doontaa? Intee in le’eg ayaad joogi doontaa gurigaaga”.

Qaar ka mid ah tallaabooyin la xiriira xakameynta cudurka oo ay qaadeen mas’uuliyiinta goballada ayaa Mr Bolsonaro uu ka horyimid, isagoo ku doodaya in waxyeellada dhaqaaluhu ay ka sii xumaan doonto saameynta fayraska.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post