Muqdisho /Qol/ March 10, 2021
Waxaa Magaalada Muqdisho manta ka dhacay kulan aan la shaacin oo ay yesheen Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo kamid ah Midowga Musharaxiinta.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo dadaalka xal ka gaarista doorashada oo uu madaxweynaha Jubbaland u yimid magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan, wuxuuna ka qeyb-galaya shir ka dhacaya gudaha xerada Xalane.
Sidoo kale Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo uu sii gooni-gooni ah madaxweynaha Jubbaland ula qaadanayo madaxda mucaaridka iyo saaxiibada Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________