![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2014/10/anz-ad-for-qol-anim.gif)
8-da Marso 2021
Wararka ka imaanaya Gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in Laba xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay isku dhiibeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada hoose.
Warbaahinta taageerta Dowlada Somaliya ayaa sheegtay in xubnaha isasa soo dhiibay ay lagu kala magacaabo Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka xoogga ee 14 October ee ku sugan magaalada Marka.
Sidoo kale Taliyaha ururka 14-aad guutada 14-ka oktoobar Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Munye ayaa sheegay in labada dagaalame ee ka tirsanaa Al-shabaab ay la soo xiriireen ciidanka, ayna uga hortageen degaanka Shalaanbood, halkaasna laga soo kaxeeyay.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________Advertisement
_____________________________________________________________________________________![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2014/10/anz-ad-for-qol-anim.gif)
![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2019/06/horseedsc.jpg)