768 Views

Myanmar oo ka codsatay Hindiya inay u soo celiso dhowr saraakiil oo diiday afganbiga iskana dhiibay Dalkaas.

Myanmar oo ka  codsatay Hindiya inay u soo celiso dhowr saraakiil oo diiday afganbiga iskana dhiibay Dalkaas.
____________________________________________________________________________

.

7-da Marso 2021

Myanmar ayaa ka codsatay dalka deriska la ah ee Hindiya inay soo celiso dhowr saraakiil boolis oo xadka ka gudbay iyaga oo doonaya magangalyo kaddib markii ay diideen inay u hoggaansamaan amarrada milatariga.

Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay in booliskaas iyo qoysaskooda ay dhowaan ka gudbeen xadka.

Maamulka Myanmar oo warqad u qoray Hindiya ayaa waxay codsadeen in la soo celiyo “si loo joogteeyo xiriirka saaxiibtinnimo”.

Myanmar waxaa hareeyay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii bishii hore uu ka dhacay afgembi.

Xoogagga ammaanka ayaa si adag u xakameeyay dibadbaxyada ugu yaraanna 55 qof ayaa la soo weriyay inay ku dhinteen.

Booliiska ayaa habeenkii Sabtidii howlgallo ka fuliyay magaalada ugu weyn ee Yangon, kahor dibadbaxyo kale oo milatariga ka dhan ah.

Muuqaal la soo qaaday ayaa muujinaya xoogagga ammaanka oo dhowr jeer xabbadeynaya dhismooyinka iyaga dadkana xirxiraya.

Saacado kaddib, kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa mar kale isugu yimid Yangon iyo magaalada Mandalay.

2px presentational grey line
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post