6- Marso, 2021
Wararka ka imaanaya saakay Dajirka Daahsoon ayaa sheegaya in Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaaday ciidamadii ay shalay dhigtay waddooyinka waa weyn ee soo gala taalada Dajirka Daahsoon.
Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore la qaaday ciidamadaasi ‘oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxa mucaaradka’ oo ay musharraxiintuba baajiyeen, kaas oo horey loo shaaciyey inuu dhacayo maanta Sabti ah, kuna beegan 6-da bisha March, 2021.
Sidoo kale waxaa haatan si caadi ah u shaqeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isaga kala gooshaya agagaraka taalada Daljirka Daahsoon oo shalay la xiray.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________