6da Maarso, 2021:
Dibadbaxayaal ka tirsan taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka dalka Sinigaal oo xiran ayaa dab qabad siiyay dhismooyin dawladeed iyo gaadiid dad shac ah leeyahay magaalada caasimada ah ee Dakar .
Dibadbaxayaasha ayaa ka caraysan kadib markii Arbacadii la xiray hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaas Cusmaani Sonko oo ku eedeysan kiis kufsi ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha Sinigal ayaa sheegay in rabshadihii ugu dambeeyay ee maanta dhacay inay 4 ruux ku geeriyoodeen toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.
Muuqaalo warbaahintu baahisay waxaa ka muuqda dad caraysan oo ciidamada dhagax tuuraya iyo sawirada gaadiid la gubay.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________