February 26, /2/ 2021
Wararka ka imaanaya Deegaanada Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada PSF ee maamulkaasi ay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen saacadihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin Al_Shabaab iyo Daacish.
Wararka ayaa sheegaya in Deegaanada howlgalada ay ka dhaceen ay ka midyihiin tuulada Geeso-qabad iyo degaanada hoostaga ee buuraha Cal Miskaat, oo ay ciidanka PSF heleen xogo sheegaya in degaanadan ay mararka qaar ku dhuumaaleystaan, islamarkaana ay isku ugaarsadaan Al Shabaab iyo Daacish sida ay sheegeen sarakiisha PSF ee mamaulka Puntland.
Sidoo kale Saraakiisha laamaha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________