February 24, /2/ 2021
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar ayaa labadaba ka tacsiyeeyay geeridii ku timid alle ha u naxariistee Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
Ugaaska ayeey ku sifeeyeen in uu ahaa Ugaas muddadii uu noolaa door weyn ku lahaa dowlad dhisida Soomaaliya iyo nabaddeynta bulshada, iyaga oo alle uga baryay in uu jannadii fardowso ka ka wareebiyo.
“Ugaaska waxaa uu ka mid ahaa Dhaqanka faca weyn Soomaaliyeed, wuxuu qeyb weyn ka soo qaatay nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska”
Geerida Ugaas Xassan ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda ugu sareysa dalka, iyo guud ahaan hoggaamiyayaasha Soomaalida oo dhamaantood ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi magac iyo maamuus ku dhax lahaa bulshada Soomaaliyeed
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________