957 Views

Taariikh nololeedka Fanaanadii Faadumo Cali Jaamac Nakruuma

Taariikh nololeedka Fanaanadii Faadumo Cali Jaamac Nakruuma
____________________________________________________________________________

February 22, 2021 Allah ha u naxariistee waxa magaalada Muqdisho ku geeriyootay hoobalkii caanka ahayd, Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma), oo ka mid ahaan jiray kooxdii Waaberi. Nakruma waxa ku dhacay cudurka Covid-19 oo loo dhigay Isbitaalka Martini ee magaalad Muqdisho oo ay maantana u geeriyootay.

Markii ay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka socday gaadheen magaalada caasimadda 1991, ee ay dhacday dawladdii dalka ka talinaysay, waxay Faadumo u qaxday dalka dibadiisa oo waxay qurbaha ku noolayd muddo dheer, waxayse dalka dib ugu noqotay sannadkii 2018 oo waxay deganayd magaalada Muqdisho tan iyo waagaa.

Nakruuma waxay ku dhalatay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay waxbarashada aasaasiga ah ee hoose ku soo qaadatay. Ka dib waxay la geeyey magaalada Xamar oo aabaheed deganaa waxaanay waxbarashada dugsiga dhexe ka bilowday dugsiga Xamar Jajab. Ka dib waxay tacliinteeda ka sii wadatay Iskoole Komerjaale.

“Iskoole Komerjaale anigoo dhigta ayaa waxa la soo dhejiyey in la qorayo askar. Itixaankii baan galay, aniga aabahay iima ogolayn askar. Oday adeerkay ah oo aabahay ay xagga hooyo ka walaalo ahaayeen, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ayaan intaan gurigiisa irridiisa u fadhiistay ayaan idhi hooyadayna ma joogto aabahayna naag kale ayuu qabaa iskoolkaygiina waan dhamaystay, adeeroow waxaan rabaa inaan askar galo xaashi waxaan ku qortona ma haysto. Markaas ayuu wuxuu igu yidhi adeeray ilaa jaamacad aad ka dhamaynaysid anaa kaa bixinayee joog. Mayee horta askar aan galo. Boqol doolar buu i siiyey beledkaan tagay waxaan soo qaatay wixii la iska rabay oo dhan, waxaan galay itixaankii askarta waa la i qaatay.” Ayay tidhi Nakruuma oo ka waramaysay sidii ay ku gashay ciidamada.

Faadumo Cali oo ka waramaysay sida uu ugu baxay magaca naanaysta u noqday ee Nakruuma, ayaa waxay sheegtay inuu magacaa u bixiyey Kornayl Masri ahaa oo ka mid ahaa macalimiintii dibadda looga keenay in ay tabobaraan hablihii ay ka midka ahayd ee loo qaatay askarinimada.

“Aniga waxa la iga keenay Ghana, hadii aad jaamacadahaaga dhamaysan lahayd sida Kwame Nkrumah ayaad dibloomooyin badan lahaan lahayd, berkee you are very clever. Gabdhihii baa intay qosqosleen waxay dhaheen naayaa madowga ayuu kuu yidhi. Ninkii baa intuu dersi qoray markuu subaxii yimid wuxu yidhi ‘feeyn Nkrumah” markaasaan ana oohin balalaq iga tidhi. Sidii baa markaas Nakruuma iiga hadhi wayday.” Ayey tidhi.

Allah ha u naxariistee tan iyo 2018 markii ay ku noqotay dalka, waxay deganayd magaalada Muqdisho. Hadaba waagaa markii ay ku noqotay dalka, ayay Faadumo-Nakruuma ka sheekaysay sida ay ugu faraxsanayd in ay ku noqotay dalka oo ay muddo dheer ka maqnayd.

Waxay sheegtay in burburka dhacay ka sokow iyo dhibaatooyinkii dalka ka jiray markii la qaxayey ay dareentay in isbedello togani dalka ka socdeen.

Markii ay Xamar gaadhay ba waxay maalmo gudahood ku tagtay goobo nolosheeda iyo taariikhdeeda faneed ba saamayn gaara ku lahaa. Waxaana ka mid ahaa goobahaas ay tagtay xarunta idaacadda Raadyow Muqdisho iyo Tiyaatarka Xamar.

“Meesha keliya oo aan ka naxsanahay oo aan ku ooyey tiyaayarkii bay ahayd. Golaha keliya ee aan iskugu nimaadno ee caanka ah oo nalaku yaqaano, rugtii fanaaniinta ee habeenkay kaa jajabto xataa subaxii baa intaad iska timaadid baa waxa kaa dhacaaya jajabka iyo oohintii xalay iyo waxoogaagii istereeskii aad qaaday. Meeshii aan ku farxi jirnay markii aan iskugu nimaadno aad bay u foolxuntahay waxaanan rajaynayaa inay qurux badnaato, dawladda Soomaaliyeedna waxaan ka baryayaa in la dhiso tiyaatarka iyo agagaarkiisii si noloshii kolba soo noqotaa ay u dhabowdo.” Ayey tidhi Faadumo oo markaa waraysi siinaysay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da.

Muddo dheer ayay ku soo jirtay hawlaha fanka Soomaalida, waxaanay ka tirsanayd markii dambe kooxdii Waaberi oo ay ka mid ahayd hablaha horseedka u ahaa fanka.

Heeso badan ayay keli u qaaday iyo kuwo kale oo ay talaltaali u wada qaadeen hooballadii kale ee ka tirsanaa kooxdaas. Sidoo kale waxay Faadumo doorar waaweyn ku lahayd oo ay wax ka metashay riwaayado badan oo ay hal abuurkii ugu magaca dheeraa dalku curiyeen.

Ragga fanaaniinta ah ee ay soo wada shaqeeyeen, ilaa haatanna ay magaalada Muqdisho wada joogeen intii aanay geeriyoon waxa ka mid ah hoobalka weyn, Maxamed Xasan Barrow, oo wax yar uun ka dib markii ay geeriyootay Nakruuma BBC-du la xidhiidhay, waxaanu sheegay in ay ahayd qof qaayo iyo magac ba ku lahayd fanka oo aan la ilaawi karin kaalintii ay ku lahayd koboca fanka Soomaalida.

“Qof muwaadinada ayay ahayd oo heeso badanoo wadaniya qaaday. Waxaa lagu xasuusan doonaa in ay qof muwaadina oo wadaniyada ahayd oo in dawlad la helo uun ay ka go’nayd taasaa lagu xasuusan doonaa. Fanaaniinta Waaberina tiir wayn baa ka jabay run ahaantii, intay noo timid wax tar badan bay noo qabatay oo isku keenista ah oo midnimada ah waxyaabo badan bay anaga nagala shaqayn jirtay Ilaahay ha u naxariistee.” Ayuu yidhi Barrow.

Sidaa uu sheegay Maxamed Xasan Barrow, Allah ha u naxariistee Faadumo xataa haatan oo ay waayeel ahayd ba kama ay fadhiisan hawlaha fanka iyo isku dumidda dadkiisaba. Talo iyo tilmaan toona kalama ay masuugi jirin jiilkan dambe cidii ka mid ah ee toosin waydiisata.

Hase yeeshee waxay mar kasta si cad uga marag kaci jirtay in haatan halka uu marayo fanka Soomaalidu iyo sidii uu ahaa waayadii hore ee uu hanaqaaday farqi weyni u dhaxeeyo.

Mar la weydiiyey bal hadda in Soomaalidu ay mar kale arki doonto fankii waayo waayo ee wakhtigoodii oo dadku ku tilamaanaan waayadii dahabiga ahaa iyo in kale ayaa waxay ku jawaabtay:

“Ma soo marayo” waxay se intaa ku dartay oo tidhi iyada oo dadka iyo dawladdaba ku tirtirsiyeysa in la daryeelo fanka iyo fanaaniinta “waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u sheegayaa iyo dawladdaba wallaahi hadaan fanaaniinta la qiimayn, fanaaniinta iyagaa wacyi gelin samayn jiray hanuuniyeyaasha dalkay ahaayeen wayna yihiin ilaa hadda laakiin hadaan la daryeelin wallaahi inaan dawladdu daryeelmayn, taasaan farayaa. Dadweynahana waxaan leeyahay fanaaniintiina soo dhaweeya, dawladna fanaaniinta daryeela ka jirran caafimaad u raadsha tiyaatarka u dhisa.”

Xigasho BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post