1215 Views

Siyaaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo kulul uga hadlay rasaas ay Ciidanka Dowladdu ay ku fureen dad bannaanbaxayaal ah

Siyaaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo  kulul uga hadlay rasaas ay Ciidanka Dowladdu ay ku fureen dad bannaanbaxayaal ah
____________________________________________________________________________

Feb: 19/2/2021

 Siyaaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame  ayaa si kulul uga hadlay rasaas ay Ciidanka Dowladdu ay ku fureen dad bannaanbaxayaal ah oo ay hoggaminayeen qaar ka mid ah midowga musharixiinta.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in  xabado oodda looga qaaday shacab iyo hogaamiyayaal ka kid ah midowga musharixiinta, kuwaasi oo uu sheegay in ay  si nabad ah u mudaaharaadayeen. Waxaana intaa uu ku daray in Ciidankaasi ay ahaayeen kuwao ka amar qaata madaxweyne farmaajo.

“Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayey  isku sii badinayaan. Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan” ayuu yiri CC Shakuur

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post