Feb: 18/2/2021
Beesha caalamka gaar ahaan dowladda Mareykanka iyo wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ayaa uga digay caawa dowladda Soomaaliya in ay faro-gelin ku sameyso banaan-baxa beri ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya caawa in madaxda dowladda looga digay in ciidanka Qaranka ay u adeegsadaan joojinta banaan-baxaas, talaabadaas oo ay ka imaan karto isku dhacyo uu dhiig ku daato.
“Dastuurka ayaa u ogol in dareenkooda cabiraan shacabka waxaan ka digaynaa in rasaas loo adeegsado si loo joojiyo banaanbaxa, arintaan waxay ka hor imaaneysaa dastuurka iyo dimuqraadiyada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo loo diray madaxda dowladda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Sidoo kale arintaan ayaa ku soo aadaysa Xili caawa magaalada Muqdisho ay tahay mid xaaladeeda kacsan tahay.
Office Nairobi
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________