Muqdisho | QOL | February 13 2021–Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa digniin u diray Hey’addaha Dowladda,laamaha amniga iyo Dowladaha hoose ee dalka taas oo ah in ciqaab ay ka dhalan doonto fulin la’aanta xukunada kasoo baxa maxkamadaha dalka.
Waxaa uu sheegay in mar walba la arko go’aan maamul oo Maxkamadda sare kasoo baxay ama Go’aan dacwada Shaqaale oo soo baxay in hay’addii go’ankaas uusan ku socday aysan fulin.
Waxa uu ka dalbaday Hay’adaha dowladda in go’aankasta oo Maxkamada dalka kasoo baxa uu waajib ku yahay inay fuliso hadii kale uu ka dhalanayo fal dabiyeed sababi kara xarig ama ganaax.
“ Hadii Go’aanka Maxkamadadaha aysan fulin hay’adaha dadka xukunsanayaasha ah waxaa ku xisaabsamayaan in ay yihiin dad sharciga ka sareeya oo aan waxba lagu fulin Karin ayuu yiri” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay waajib ku tahay inay fuliyaan go’aanada kasoo baxa maxkamadaha dalka, isla markaana lagula xisaabtami doono Saraakiisha Ciidamada.
“ Waxaa dhacda in qof la xiray oo Maxkamad xukuntay in la iska sii daayo, waxaa dhacda in waaran maxkamad jarto loo hogaansami waayo,waxyaabahaas oo dhana waa ka gaabin saraakiisha Ciidamada ah, waxana farayaa garsoorayaasha in, iyaga oo sharciga adeegsanaya ay wax kasta fuliyaan.
xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________