891 Views

Shirka Magalada Dhuusamareeb oo furmay

Shirka Magalada Dhuusamareeb oo furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 03, 2021–Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo arbaco ah ka furmay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo tiro laba jeer ah furitankiisa uu dib u dhacay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020 iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilafka mudada jira ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada Puntland & Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya  Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, Jubbaland  & guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020 iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada jira ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada Puntland & Jubbaland.

Xalay fiidkii  ayuu qorsuhu ahaa in uu shirkaasi furmo, hayeeshee uu dib u dhacay kaddib markii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay safar ku soo galay Dhuusamareeb ay cudur daarteen, sababo la xiriira inay daalan yihiin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa dhawaan shirkaasi in uu iclaamiyay in uu socon doono muddo saddex Cisho ah oo ka bilaabaneeysay 1-dii Bishaan, waxana meesha ka baxay balantii Madaxweyne Farmaajo ee Baarlamaanka labada Aqal inuu khudbad u jeedin doono 5 bisha February oo ku beegan maalinta jimcaha.

Dhamaan Madaxda ka qeyb-galeysa shirka ayaa waxaa ay jeedin doonaan khudbado kala duwan, waxaana sidoo kale la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka si xal loogu helo khilaafka hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post