Muqdisho | QOL | February 1, 2021Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa kusii qul qulaya Madax kala duwan oo halkaas uga qeyb-galeysa Shirka Madaxda dowladda Federaalka & dowlad Goboleedyada kajira dalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Gaaray Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug & Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulkaas.
Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray masโuuliyiin horudhac u ah safarka ay Magalada Dhuusamareeb ku tagayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.
Shirka wadatashiga Madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga hadlayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, maadaama muddo xileedka Madaxda dowladda uu gebo-gabo yahay.
Ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo Goobaha muhiimka ah lagu arkayaa Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo amniga xaqiijinaya.
Shacanka Soomaaliyeed & Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa isha ku haya Shirka Dhuusamareeb oo ah fursadii ugu dambeeysay ee lagu gaari karo heshiis lagu qabto doorasho ka dhacda dalka.
xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________