1119 Views

Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay kulan deg deg ah

Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay kulan deg deg ah
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 28, 2021
—Mas’uuliyiinta Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in dowladaha Masar iyo Urdun ay soo jeediyeen in wasiiradda arrimaha dibadda ee dowladaha Carabtu yeeshaan kulan deg deg ah bilaawga bisha February.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Danjire Xusaam Zaki ayaa sheegay inay ka heleen wakiilada Masar iyo Urdun qoraal ku saabsan sidii loo qaban lahaa kulan heer wasiir ah, kaas oo looga hadli doono amniga gobalka, xoojinta midnimada Carbeed iyo qaddiyadda Falastiin.

Zaki ayaa intaas ku daray inay qoraaladaas ay u qaybiyeen dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta si ay uga soo qayb galaan shirkaasi.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post