774 Views

Itoobiya oo masar ku eedeysay inay xasilooni darro ka abuureyso Soomaaliya

Itoobiya oo masar ku eedeysay inay xasilooni darro ka abuureyso Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 24, 2021—Sida lagu daabacay Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadola dowladda Itoobiya ayaa dowladda Masar Waxaa ay ku eedeysay in xailooni darro ay ka buureeyso Soomaaliya.

Sarkaal  xil sare ka haya Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya, isla markaana codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu in “Masar ay xoojisay dadaalada xasilooni darada ah ee ka dhanka ah itoobiya iyo gobolka Geeska Afrika ee kacsan oo ay Soomaaliya kamid tahay.

“uqdisho ay ku gacan-seyray dalab ku aadanaa in taageero dhanka milatariga ay siiso dowlada federaalka.

“Sanadkii lasoo dhaafay, Masar waxay isku dayday in ay saaxiib la noqoto dowladda federaalka Soomaaliya iyadda oo u balanqaadey taageero dhanka milatariga ah, balse Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay garteen ujeedada halista ah ee ka dambeysay wayna diideen taageerada ciidan ayaa lagu yiri” Warbixinta.

Sidoo kale diblumaasiga xilka sare ka haya Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya waxaa uu sheegay in dowladda Masar ay u wareegatay dhinaca Soomaliland oo an weli aqoonsi helin, isla markaan Bishii Janaayo ay weeydiisteen Soomaaliland inay saldhig Millateri ka sameystaan.

Dowladda Masar ayaan weli dhankeeda ka jawaabin eedeyntaan uga timid Dowladda Itoobiya, iyada oo dhowr jeer sidaan oo kale Itoobiya ugu eedeysay Masar nay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post