Muqdisho | QOL | January 20, 2021—Afhayeenka madaxtooyda dalka Zimbabwe ayaa sheegay in wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas Sebusiso Moyo u dhintay cudurka Karoona fayras
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Moyo oo 61 jir ah uu ku dhintay isbitaal maxalli ah subaxnimadii hore ee maanta
Moyo wuxuu horay u ahaan jiray jeneraal ka tirsan ciidamada wuxuuna caan ka noqday dalkaas markii uu ku dhawaaqay afgembigii militariga ee horseeday in xukunka looga tuuro Madaxweynihii hore Robert Mugabe bishii November 2017-kii.
Dalka Zimbabwe waxaa ku soo badanaaya cudurka Karoona, waxaana laga diiwaan geliyay kiisas gaaraya 28,675.
xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________