Muqdisho | QOL | January 12, 2021—Kusimaha madaxweynaha ahna Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa socdaal loogu kuur galayo xaaladda amniga ku kormeeray caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxwayne kuxigeenka galmudug Cali Daahir Ciid oo ay wehlinayeen laamaha amniga magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa ay socdaal ku mareen Goobaha ay Bulsahda isugu timaado iyo suuqada muhimka ah ee magaalada dhuusamreeb
Sidoo kale madaxwaynaha ayaa kormeeray saldhiga booliska caasimadda dhuusamareeb waxa uuna warbixin guud ka dhagaystay Saraakiisha saldhiga booliska caasimadda dhuusamareeb, iyaga oo warbixin kooban ka siiyay madaxwaynaha kiisaskii ugu dambeeyay , waxaana uu faray laamaha amniga inay dardar geliyaan sugida Amniga Caasimadda.
Kormeerkan ayaa ah mid uu madaxwayne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ugu kuur galayo xaaladda amniga caasimadda taasi oo la filayo inay ka bilowdaan doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal.
xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________