January 11, 2021
Guddiga soomalailand u qaabilsan doorashooyinka ayaa diiwaan gelinta codbixiyaasha doorashada soomaaliland ka bilaabay degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Sool.
Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxda sadexda xisbi iyo xukuumada ayaa wada wacyigelin ay dadka ka dhaadhicinayaan in ay qaataan kaadhka codbixinta.
Sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo uu hormuud u yahay wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa degaano badan marayey si uu dadka uga dhaadhiciyo inay kaadhadhka qaataan, si ay u muujiyaan awoodooda iyo muga dadkooda.
Degmooyinka gobolka Sool oo ay ka mid yihiin Xuddun iyo Taleex oo aanay jirin dad badan oo horey uga diiwaan gashanaa ayaa ah degaanada sida aadka ah diirada ay ugu hayaan masuuliyiinta gobolka ee haatan xilalka ka haya iyo kuwo haatan deganadaa ka sharaxan.
Degmooyinka iyo deegaanada kala ah Taleex, Xudun & Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Degmo-doorashooyinka Ceerigaabo, Badhan iyo Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Waxaa degaano ay cabsi ka jirto iyadoo ay jiraan dad diidan ka midnoqoshada Somaliland haba u badnaadaan dhulka ood wadaagta la ah Puntland, iyadoo ay weli isdiiwaan gelintu u socoto si degan.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________