1608 Views

Dagaal dhexmaray Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida DDS iyo kuwa Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Dagaal dhexmaray  Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida DDS iyo kuwa Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.
____________________________________________________________________________

Ugu yaraan 50 ruux oo labada dhinac ah, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaal culus, oo shalay dhexmaray Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida DDS iyo kuwa Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Canfarta ay weerar xooggan ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Dan-lahelay ee Gobolka Siti (DDS), halkaas oo ay ku laayeen Shacab iyo Ciidamo ku sugnaa.

Dagaalkaas kadib, waxa degaanka gaaray Ciidamada loo yaqaan Liyu-Booliiska ee Dowlad Degaanka Soomaalida, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan ka dhashay, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalku istaagay gabbal-dhici shalay, balse weli is horfadhiyaan labada dhinac, islamarkaana laga cabsi qabo in uu sii socdo dagaalku.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post