834 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulamo xal raadin ah ka wada Beledweyne

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulamo xal raadin ah ka wada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2020 –Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha & dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo weli ku sugan magalada Beledweyne ayaa halkaasi ka wada kulamo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhashay doorashada Hir-Shabeelle.

Wasiirka ayaa kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Janeraal Xuud oo maleeshiyaad uu hoggaaminayo oo ku sugan degaanka Ceel-gaal ay Beledweyne u didien in uu tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe

Kulamada ayaa waxaa la sheegay in ay sidoo kale qeyb ka yihiin Odayaasha dhaqanka Magaalada Beledweyne, waxaana wararka kulanka laga helay ay sheegayaan in weli la isku mari la’yahay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan qaabka loo dhisay Hir-Shabeelle.

Kulamadaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli shalay Hoggaamiyaha Maleeshiyaadka la magac baxay Jabhadda xaq u dirirka Hiiraan oo lagu Magacaabo janeraal Xuud uu sheegay in muddo 15 Cisho gudahood ah ay kusoo dhisi doonan Maamul la Magac baxay Hiiraan State.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post