Cabdi Nuur Darmaan oo ah Gudoomiyaha Hisbiga Jamuriga Somaaliyeed ayaa ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho Xalaal ah oo loo dhan yahay, oo ay ka Qeyb galaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed Ururada Bulshada rayidka ah Haweenka iyo Daneenayaasha Arimaha Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay noqon karto Doorasho daah furan oo Xalaal ah.
Siyaasiga Darmaan oo arrimo shaqo u jeegay dalka Maraykanka ayaa sheegay in Xiligan Dalka uu marayo Meel xasaasi ah, waxa uuna ku baaqay in wixii Colaad iyo tabashooyin siyaasadeed ah dhinac layska dhigo loona wadda guntado siddii dalka looga saari lahaa xaaladdan adag.
Sidoo kale Abdinur Darman – gudoomiyaha Hisbiga Jamuriga Somaaliyaad ayaa madaxda iyo dadka soomaliyeed ugu baaqayn in la dhawro dawladnimadda, si taas u dhacdo, wuxuu madaxda dalka dhammaantood ka codsaday in laga wadda shaqeeyo in ay qabsoonto Doorasho loo dhan yahay, ayna kawada qaybgalaa daneeyeyaasha siyaasadda sida madaxda Dawaladda dhexe, Dawlad-goboleedyada, Bulshada rayidka ah, Musharaxiinta, Haweenka, dhallinyarada, culumadda Iwm.
Darmaan ayaa sidoo kale dawladda Maraykanka ka Codsaday in ciidamadda Maraykan aan dalka soomaliya laga saarin xilligaan, islamarkaasna taxadar gaar ah la siiyo bixitaanka ciidamadan.
Wariye Cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
Cabdixakiin441@hotmail.com
Tel+254/711830393
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________