1080 Views

Saraakiil ka tirsan Tigreega oo hubka la isku dayay in laga dhigo Degmada Halgan ee G/Hiiraan

Saraakiil ka tirsan Tigreega oo hubka la isku dayay in laga dhigo Degmada Halgan ee G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Ciidamo ka wada tirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan Degmada Halgan ee gobalka Hiiraan, halakas oo u ku dhexmaray isku dhac geestay khasaara isugu jira dhimasha iyo dhaawac.

Dad goob jooga yaal ah ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu salka ku haayo ,kadib markii la isku dayay in hubka laga dhigo Saraakiil iyo Ciidan ka soo jeeda Qowmiyada Tigreega oo ka tirsan cutubyada Ciidan ee dagan deegaankaas, hayeeshee ay ka biyo diideen.

Dadka ku nool degaanka Halgan ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo ka dhaceeysay Xerada Ciidamada Itoobiya ee degaanka, balse aysan wlei helin khasaaraha ka dhashay dagaalkooda.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in hadda ay xaaladu tahay mid degan wallow Ciidamada dagaalamay ay is hor-fadhiyaa, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan inay casbi soo wajahday, iyada oo horay dhowr jeer ay halkaasi ugu dagaalameen Ciidamada Itoobiya & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalkii Gobolka Tigreega ku dhex-maray Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa saameyn ku yeeshay Soomaaliya, waxaana warar kal hore soo baxayay ay sheegayeen in Magaalada Baydhabo lagu xir xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya, balse kasoo jeeda Qowmiyada Itoobiya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post