Muqdisho | QOL | December 4,, 2020 –Qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Beledweyn ee ayaa bilaabay inay xaafadaha qaar ee Magaalada ka dhigaan dibadbax ay uga soo horjeedaan maamulka Hir-Shabeelle & in uu Cali Guudlaawe tago Magaalada Bledweyne.
Banaanbaxa ayaa waxaa ka horeeyay dagaal dehx-maray Ciidamada Dowladda & Maleeshiyaadka Janeraal Xuud oo taaageero ka helaya dhalinyaro iska dhex-abaabulay gudaha magaalada Beledweyne, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan.
Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa ay dhaxgaan iyo taayaro ku xireen wadoyika laamiga ah ee Xaafadaha Nuur-Xawaad Horseed iyo Xaafado kale, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.
Dagaalka iyo banaanbaxa ka socda Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Beledweyne uu ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo halkaasi u tegay xalinta xiisada Beledweyne.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________