915 Views

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf oo weeraray Musharixiinta Muqdisho ku shiraya..

Madaxweynihii hore ee Galmudug  Xaaf oo weeraray Musharixiinta Muqdisho ku shiraya..
____________________________________________________________________________

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya maalintii shanaad uga socda Magaalada Muqdisho.

Xaaf ayaa sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho horey loo soo arkay wax ay dalkaan u qabteen, isagoo sheegay in xiligaan aysan aheyn inay cabasho ka muujiyaan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.

Waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Galmudug in la wada ogaa wixii ka dhacay Guddiyadii doorasho ee la magacaabay xiligii dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo tilmaamay in Musharaxiinta aysan jirin wax wanaagsan oo xiligaan ay sameeyn doonaan, shirkooduna uu yahay mid aan xalaal aheyn.

Sidoo kale Xaaf ayaa Musharaxiinta ugu baaqay inay dalka Soomaaliya ka daayan dhibaato uu xusay inay Musharaxiinta dalka ku wadaan, wuxuuna shaki geliyay in midkood Musharaxiinta hadii la doorto uusan waxba dalka u qabaneyn.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post