Dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyia Ethiopia ee u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo maamulka gobolka ee xisbiga TPLF ayaa sii xoogeystay, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo xooggan.
Wakaalada wararka caalamka ayaa werinaya in dagaalka ay ku dhinteen boqolaal askari oo labada dhinac ah, waxaana ku barakacay kumanaan shacab ah oo galay dalka Sudan.
Waxaan weli la dhageysan baaqyo ka imanaya beesha caalamka oo ku saabsan in dagaalka la joojiyo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda labada dhinac.
Raโiisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wacad ku maray in dagaalka aanu joogsan doonin illaa meesha laga saaro hoggaanka maamulka Tigrayga ee xisbiga TPLF.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________