Mogadisho | QOL October 29| 2020—Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf ka jira dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, kaas oo ka dhashay isbedel la doonayo in lagu sameeyo hoggaanka Maamulkaas ee qeybsiga dhinaca Beelaha ah.
Khilaafkaas oo aan si guud u muuqan ayaa waxaa jira Odayaal iyo Siyaasiyiin ka hadlay, halka qaarkood ay sheegeen in uusan jirin wax khilaaf ah oo xilligana ka jira habka lagu wado dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle.
Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa sheegay in si wanaagsan uu u socdo dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, isla markaana Xildhibaannada Cusub la dhaarinayo.
Yuusuf Dabageed oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in xilligaan uusan jirin wax khilaaf ah oo la xiriira dhismaha Hir-Shabeelle, isla markaana si toos ah loo guda galayo dhawaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | _____________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________