Mogadisho | QOL October 07, | 2020—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay safiirrada dalalka Nordic u jooga Soomaaliya, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Dowlad-wanaagga, Cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya.
Dalalka la isku yiraahdo Nordic oo aad u farabadan ayaa waxaa ugu caansan dalalka, Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland, waxaana kamid yihiin wadamada taageerada weyn siiya Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________