Mogadisho | QOL | September 27 2020—Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Kulankooda Saddexaad ee Kalfadhiga 8aad ku yeeshay Xarunta Guddiyada Iyo Guddoonka Golaha.
Guddiga ayaa kulankooda waxaa ay uga hadleen Shuruucda taala Golaha Shacabka iyo sidii loo kala horumarin lahaa ama mudnaanta loo lala siin lahaa si Xildhibaannada uga doodaan una meel mariyaan.
Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadlay sidii Shaqada Baarlamanka loo Kordhin lahaa, Isla markaana inta Waqtiga Baarlamaanka ka harsan loo dardar Gglin lahaa tayada Waxbarashada dalka
Kulan Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa waxa Shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________