Mogadisho | QOL | September 14 2020—Booliiska Uganda ayaa sheegay in 13 qof la soo xiray kaddib markii ugu yaraan lix qof oo u dhashay Suudaanta Koofureed lagu dilay xero qaxooti oo ku taalla waqooyi galbeed dalkaas.
Xerada Rhino, oo hoy u ah 100,000 oo qaxooti ah, ayaa la weeraray kaddib markii nin xoolaley ah oo deegaanka u dhashay ay dhibaato u geysteen qaar ka mid ah qaxootiga Suudaanta Koofureed.
Milatariga ayaa la geeyay halkaas si xasiloonida loo soo celiyo. Uganda waxay martigelisaa in ka badan 1.4 milyan oo qaxooti ah.
Xiisadda u dhaxaysa qaxootiga Suudaanta Koofureed iyo bulshada deegaanka ayaa mararka qaar isku beddesha rabshad.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________