Mogadisho | QOL | September 13 2020—Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta lagu wado in uu ka furmo Muqdisho, kadib markii shalay uu baaqday arrimo la xiriira Madaxda qaarkood oo caasimadda ka safartay maalin kahor.
Shalay waxaa Muqdisho dib ugu soo laabtay Madaxweyneyaasha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo duug iyo tacsi u tagay Kismaayo, kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu dilay Guddoomiyihii rugta ganacsiga maamulkaas iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo safar aan la faah-faahin ku tagay Nairobi.
Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in ay u badan tahay in maanta oo ah Axad ah gelinka dambe uu bilawdo wadatashiga, caawa ilaa gelinka hore Beri la diyaariyo kulanka guud oo ay madaxda heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed diiradda ku saarayaan Doorashada, Geedi socodka Dalka, Amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar-gaar ah oo badi ay sameynayaan Madaxda maamul Goboleedyada, si ay isu muujiyaan kahor kulanka, qofba qofka kale ayuu ku martigelinayaa hoyga uu ka degen yahay Caasimadda.
Fadhigaan waxaa ku xiran jaangoynta doorashada oo nuuc ay isku raaceen Madaxweyne Farmaajo, madaxda Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir gaashaanka ay ku dhufteen Madaxweyne goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Beesha Caalamka oo leh abaabulka ugu weyn ee wadatashigaan, Siyaasiyiin horay u diiwaangashatay Xisbiyada sida KMG ah aqoonsiga loo siiyay iyo shaqsiyaad kale ayaa indhaha ku haya shirkaan oo muhiim u ah Doorashada iyo howlaha Geedi socodka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ku biiray shirkii ugu dambeeyay ee Dhuusamareeb (3) ayaa dhankiisa wada dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo kulamo uu la qaadanayo qaybaha bulshada iyo madax Goboleedyada.
Mustaqbal
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________