Mogadisho | QOL | September 07 2020—Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Ckormeeray dhismaha Wadada isku xirta isgooska Boondheere iyo siinaay oo dhismaheeda Meel gabagaba ah Mareysa.
Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadaas ay gacan ka geysteen qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana uu rajeynayo inay ka faa’iidi doonaan Bulshada.
Waxaa uu sheegay inay jiraan wadooyin farabadan oo ku yaalla Caasimadda oo weli burbursan,isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada ay dhisi doonaan wadooyinka Muqdisho.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________