Mogadisho | QOL | September 07 2020—Dallaadda Waxbarashada Ahliga ah ee SAFE ayaa si kulul uga hadashay natiijadii imtixaankii ay qaaday Dowladda ee kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashada oo ay ku dhaceen ku dhowaad 8 kun oo Arday oo imtixaanka ku gashay Gobolka Banaadir
Qoraal kasoo baxay Dallada ayaa waxaa lagu sheegay in mas’uuliyad darro weyn ay ku dhaqaaqeen siihayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre howl wadeenadiisa, Agaasinka Wasaaradda iyo Xafiiska imtixaanaadka.
Wasaaradda Waxbarashada ayay ku eedeeyeen in wax wal ah ka qabin Aayaha Ardayda Gobolka Banaadir, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Farmaajo iyo siihayaha Wasiirka Waxbarashada inay Arrinta dhacday kula xisaabtamaan howlwadeenada Wasaaradda.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________