Mogadisho | QOL | September 1, 2020—Koox hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi waxaaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomalaida Ganacsiyada waaweyn ku leh dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xamuud Aadan Dhiblaawe ayaa Kooxda Burcadda ah waxaa ay ku dileen goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Dalka Koonfur Afrika, isaga oo u geeriyooday dhaawac culus oo ay Burcadda gaarsiiyeen
Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyeen muwaadinka Soomaaliyeed oo Kooxda Burcadda ah ay doonayeen inay dhac u geystaan,isla markaana ay ka badbaadiyeen walow Kooxda Burcadda aheyd ay muwaadinka Soomaaliyeed dileen.
Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo badi markii ay dilalka dhacaan sameeya howlgallo walow aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxaha dilalka u geysta Soomaalida.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loogu geystaa dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida u badan tahay, waxaana ilaa iyo hadda jirin cid isku howshay inay Ganacsatada Soomaalida ah badbaadiso.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | _____________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________