Qaranimo Online | August 11, 2020 – Shirkadda diyaaradaha Air Asia India, ayaa 2 duuliye shaqada ka joojisay muddo 3 billood ah, markii lagu soo eedeeyey in ay jebiyeen shuruuc ay shirkadaasi u dejisay in ay ku dhaqmaan duuliyayaasha marka diyuuradu ay soo caga-dhiganeyso.
AirAsia India ayaa duuliyaasheeda kula talisay in marka ay diyaarada isu diyaarineyso in ay soo dagto in ay isticmaalaan habka “Flap 3 mode” habkaas oo ah mid lagu beyqaaminayo gaaska ay diyaaradu isticmaaleyso xilliga soo degitaanka.
Gaurav Taneja oo ka mid ah 2da duuliye ee la ruqseeyey, ahna Youtuber, ayaa cambaareeyey in shaqada loogu joojiyo inuusan isticmaalin habka Flap 3 Mode, wuxuuna ku tilmaamay go’aankaasi mid laga eegay hal dhinac oo keliya, oo aan la qiimayn dhanka kale.
“Mararka qaar waxaad ka dagaysaa Garoomo aan ku habooneyn inaad isticmaasho habkan Flap 3 Mode sida Garoonka Imphal, xilliyada qaar waxaad kala dooranaysaa nolosha dhowrka boqol ee rakaabka ah iyo inaad shidaalka beyqaamisid, habkan ay soo jeedisay shirkadda in la isticmaalo marka dayuurada ay soo dagayso waxaa jira waqtiyo uusan ku habooneyn” Ayuu yiri Duuliye Gaurav.
Duuliye Gaurav Taneja, ayaa ku doodaya inuu shaqadiisa ku waayay isaga oo ka taxadaray badqabka rakaabka dayuurada, halka shirkadda AirAsia India ay dhinaceeda sheegtay inuu duuliyayaashaasi jeebiyeen xeerkii shirkadda u yiil, waxaanna socota baaritaanno ay sameynayaan hay’adda socdaalka dalkaas.
.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Yurub
_______________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________