1011 Views

Bam-gacmeedkii Hiroshima: Weerarkii Nukliyeerka Mareykanka ee beddelay taariikhda.

Bam-gacmeedkii Hiroshima: Weerarkii Nukliyeerka Mareykanka ee beddelay taariikhda.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-WDadkii ka badbaaday qaraxii ugu horreeyay ee adduunka ah ee ka dhacay ayaa ku xusaya dalka Japan sannad-guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay Bam-gacmeedkii Hiroshima, iyadoo Duqa Magaalada Kazumi Matsui uu ku booriyay waddammada in ay diidaan qaran-nacaybka isla markaana si dhab ah u galaan hubka wax gumaada dhigistiisa.

Munaasabad si weyn loogu soo shaqeeyay oo ay ka qayb galeen dadkii ka badbaaday iyo eheladooda ayaa ka dhacday bartamaha Beerta Nabadda ee Hiroshima iyada dadka wajiyadooda laga dheehanaayay qiiro badan waxa ayna ku dhawaaqayeen Nabad Nabad ka hor inta aysan galin daqiiqado aamusnaan ah oo dadkaasi lagu xasuunayay.

Munaasabada oo dhacday xilli uu jiro faafitaanka xanuunka Coronavirus ayaa dadkii ka qayb galay waxa ay ka hadleen xasuustooda Bam-gacmeedkii Hiroshima dhibaatooyinkii laga dhexlay iyo muuhiimada ay leedahay in aduunka laga ciribtiro hubka wax gumaado.

“Bishii Ogosto 6, 1945, hal bambo oo atomic ah ayaa burburiyay magaaladeenna. Hadal haynta xilligaa waxa ay lahayd ‘wax dad ah halkan laguma noolaa doono 75 sano,” ayuu Matsui ku yiri khudbaddii uu halkaasi ka jeediyay.

“Laakiin, Hiroshima waa ay soo kabsatay, iyada oo calaamad u ah nabadda.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Duqa ayaa ku boorriyay dowladda Raiisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe in ay saxiixdo heshiiska caalamiga ah ee ka mamnuucaya hubka nukliyeerka, wuxuuna adduunka ugu yeeray in ay isu yimaadaan si looga hortago khataraha hubka ee adduunka.

“markii cudurka xun sanadkii 1918 na soo weeraray qarni ka hor, waxaa u dhintay tobanaan milyan oo naf ah waxayna argagax ku abuurtay adduunka maxaa yeelay waddammada ku dagaallamay Dagaalkii 1 aad ee aduunka waa awoodi waayey in ay wadajirka wadaagaan halista,” ayuu yiri Matsui.

“hadii colaad dhacdo waa in laga fogaadii Dagaalkii Labaad ee Dunida oo kale iyo Qaraxyadii Atom”

“Marnba waa in aan nolosheena u ogolaan xanuunkii nasoo maray,bulshada rayidka waa in ay midoobaan sidii hubka wax gumaada aduunka looga sifayn lahaa” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Halkaan waxaan ku eegaynaa dhacdooyinka badalay taariikhda.

Maxaa ka dhacay Hiroshima?

Bishii Ogosto 6, 1945, abbaaraha 8:15 aroornimo waqtiga Japan, diyaaradda Mareykanka ee Enola Gay waxa y ku tuurtay bam gacmeed uranium-235 qori oo loogu magac daray  Will yar”Little Boy” magaalada Hiroshima ee dalka Jabaan.

Burburku waxa uu ka duwanaa wax kasta oo taariikhda dagaalka lagu arkay, madaama burburkiisa aad u balaarnaa.

Hiroshima markiiba waa burburtay. Qarixii ka dhashay waxaa ku dhintey 70,000 qof isla markiiba; ilaa Diisamber 1945, tirada dhimashadu waxa ay gaartay ilaa 140,000.

Xariiqda guud ee burburka ayaa la sheegay inay ahayd 1.6km.

“Saamaynta bamku waxa ay ahayd mid naxdin leh wax kastoo nool – dadka iyo xayawaanba – waxaa macno ahaan loo dhintey kuleylka oo aad u weynaa iyo cadaadiska uu qaraxu sameeyay,” raadiyaha Tokyo ayaa sheegay wixii ka dambeeyay qaraxa, sida laga soo xigtay wargayska The Guardian bishii Agoosto 1945.

Dhamaan dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxa ay u gubteen si ka baxsan inla aqoonsado. Kuwii banaanka Joogay waa gubteen waana dhinteen, halka kuwii gudaha ku jirana ay u dhinteen cadaadis aan la saadaalin karin iyo kuleylka. ”

Laakiin dhaawaca halkaas kuma uusan dhammaan. Shucaaca uu soo daayay qaraxa ayaa sababay silic kale.

Kumanaan kale ayaa u dhintey dhaawacyadooda, cudurada shucaaca iyo kansarka sanadihii xigay, taas oo tirada ku dhawaad 200,000, sida laga soo xigtay taariikhda Tamarta ee Mashruuca Manhattan.

Maxay tahay sababta Mareykanku ugu tuuray bamka?

Japan waxa ay cadow cad ku ahayd Mareykanka iyo xulafadeeda, Ingiriiska, Shiinaha iyo Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Markay taariikhdu ahayd 1945, xulafadii waxa ay rogeen dagaalka waxa ayna ciidamada Japan ka riixeen meelo badan.

Jabaaniyiinta waxa ay si cad u sheegeen ujeedkooda ah in ay la dagaallamaan illaa dhammaadka dagaalka qaraar, waxayna adeegsanayaan taatikada sida weerarada kamikaze, oo duuliyayaashu isku miidaamin doonaan markab dagaal oo Mareykanku leeyahay.

Bishii Luulyo 1945, Madaxweynaha Mareykanka Harry Truman iyo xulafadiisu waxa ay dalbanayeen “si deg deg ah oo shuruud la’aan ah” isku soo dhiibo Japan, laakiin Japan ma soo saarin jawaab cad.

Muddo yar ka dib, Mareykanku waxa uu weerarey Hiroshima, oo loo arkay in uu yahay mid istiraatiijiyad cod ahaan u sabab ah xaaladaha cimilada, baaxadda diyaaradaha, saameynta militariga iyo saameynta niyadda cadawgiisa.

“Waxa la qabtay waa guusha ugu weyn ee sayniska abaabulan taariikhda. Waxaa lagu qabtay cadaadis sarreeya oo aan lagu guuleysan,” ayuu yiri Truman 16 saacadood kadib markii bamkii Atomka la tuuray.

“Waxaan hada diyaar u nahay in si deg deg ah loo baabi’iyo shirkad walba oo wax soo saar leh oo ay Jabaanku ku leeyihiin dhul ka sareeya magaalo kasta. Waan baabi’in doonnaa dooxada, warshadooda, iyo isgaarsiintooda. Yaanay dhicin wax qalad ah; waxaan si buuxda u baabi’in doonaa awoodda Japan si aan u sameysano dagaal. ” ayuu yiri.

Truman waxa uu yiri hadii hogaamiyaasha Japan “aysan aqbalin shuruudaheenna waxay filan karaan roob dabayl wata oo hawada ka yimaada, kan lamid ah kan waligiis aan lagu arag dhulkaan”.

Wuxuu intaas ku daray: “Weerarka dambe ee cirka waxaa daba socon doona ciidamada badda iyo kuwa dhulka oo tiro iyo awood leh oo aan wali la arkin oo leh xirfadda dagaalka oo ay si wanaagsan uga warhayaan.”

Maxaa dhacay Hiroshima kadib?

Kadib markii bamku baabi’iyay Hiroshima, Japanku isma dhiibin.

Seddex maalmood ka dib, Mareykanka waxa uu bilaabay howlgal kale oo lagu qarxinayo Kokura, hase yeeshe, magaalada waxaa ku qarxay daruur. Magaalada Nagasaki waxaa loo doortay bartilmaameedka. “Fat Man” ayaa laga soo tuuray Nagasaki bishii Ogosto 9, 1945, si dhakhso ah ayay u dhinteen ugu yaraan 40,000 oo qof.

Duuliyaha Ingiriiska Leonard Cheshire, oo ku lug lahaa howlgalka bambaanada Nagasaki, ayaa markii dambe dib u xasuustay daruur uu sababay qarixii Atom: . 

Qaraxyadi waxa ay ahaayeen kuwo su’aal laga weydiin jiray markaa sidii ay ahaayeen maanta. Lix ka mid ah toddobada xiddig ee Mareykanka iyo 5 ka mid ah kuwa xufudala dhaw la ahaa xilligaas ayaa dareemay in aan loo baahnayn in bambaanada lagu tuuro maxaa yeelay is dhiibitaanka Japan waa mid soo dhow.

Maxay ahayd saamaynta Hiroshima iyo Nagasaki?

Bishii Ogosto 15, Emperor Hirohito waxa uu ku dhawaaqay is dhiibida Japan, iyo markay ahayd Sebtember 2, is dhiibida ayaa si rasmi ah loo saxiixay, taasoo dhalisay colaadihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Awooda bambaanada atomikada ayaa keeni doonta isbedel ku yimid juqraafi ahaan wali dib u soo laabanaya ilaa maantadan, iyadoo wadamo dhowr ah ay hada ku dhibtoodaan in ay helaan tikniyoolajiyadan.

W/Q:Mowlid Mo’allim Adam.

Isha: Al Jazeera,The Guardian iyo Radio Tokyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post