867 Views

Wasiir Beyle oo Shuruud ku xiray bixinta lacagta gurmadka Afgooye

Wasiir Beyle oo Shuruud ku xiray bixinta lacagta gurmadka Afgooye
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-04-2020-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa shuruud ku xiray bixinta lacagtii loogu tala galay Shacabka ku dhibaateysan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Lacagtaan oo dhan Nus Milyan ayaa waxaa uu sheegay Wasiir Beyle in aysan bixin doonin haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in lacagtaasi la musuq maasuqo.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Guddiyo ka shaqeeya Arrimaha gargaarka degmada Afgooye iyo maamulka Koonfur Galbeed in lagu wareejiyo lacagtaasi.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku eedeysay Wasiir Beyle in uu ku fashilmay bixinta lacagta gargaarka degmada Afgooye, islamarkaana dadka degaanka xilligii ay u baahanyeen aan la gaarsiin.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in nasiib daro ay tahay in dowladda dhexe wali aysan fulin ballanqaadkii Shacabka degmada Afgooye.

Lacagtaan oo dhan nus Milyan ayaa 20 berri ka hor waxaa ballanqaaday Ra’iisul Wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post