966 Views

Hir-Shabeelle oo baaq deg deg ah kasoo saartay fatahaadaha

Hir-Shabeelle oo baaq deg deg ah kasoo saartay fatahaadaha
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 30-2020-Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu baaqay Hay’adaha Gargaarka Shacabka Soomaaliyeed & Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka qeyb qaataan dadaalka loogu jiro ka hortagga fatahaahada degaannada Maamulkaas.

Cali Guudlaawe oo ku sugan Magaalada muqdisho ayaa sheegay in degaanno iyo degmooyin badan oo ku yaalla Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe uu Wabiga ka fatahay,sida Beledweyne, Mahadaay, Balcad iyo degmooyin kale.

Madaxda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sigaar ah waxaa uu ugu baaqay inay isha ugu hayaan xaaladaha fatahaadaha ee degaannada Hir-Shabeelle oo si joogta ah u soo noqnoqday

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn uu u saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle, iyada oo dadkii deganaa ay badi u barakaceen degaanka Ceel-jaale ee duleedka Beledweyne,waxaana shalay Beledweyne laga bilaabay qorsho looga hortagayo fatahaadaha soo laab laabtay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post