894 Views

Midowga Afrika oo War kasoo saaray hanaanka doorashooyinka Soomaaliya

Midowga Afrika oo War kasoo saaray hanaanka doorashooyinka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 25-2020-Qoraal kasoo baxay Xubnaha Ururka Midowga Afrika ee taageera Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ururka Midowga Afrika ayaa taageero u muujiyay go’aanka hoggaamiyeyaasha ee guddiga Farsamada ee doorashooyinka oo ay Magacaabeen qaar ka mid ah maamul goboleedyadda.

“Guddiga midowga afrika wuxuu qorayaa oo soo dhaweynayaa kulanka udhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Hogaamiyaasha Xubnaha Dowlada Federaalka (FMS) ee Dhuusamareeb waxaana lagu dhiiri gelinayaa isbadalada hogaamiyaasha in la sameeyo gudi farsamo oo kahadlaya qaab dhismeedka doorashada 2020″ayaa lagu yiri Warka kasoo Midowga Afrika.

Guddiga midowga afrika wuxuu hoosta ka xariiqay in howshan ay tahay in ay ku dhawaaqdo is waafajin ballaaran oo ku saabsan Soomaaliya dhanka mustaqbalka iyada oo qeyb ka ah sameynta aragti guud oo ka dhexeysa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.

“Intaa waxaa sii dheer, guddiga midowga afrika wuxuu rajaynayaa gabagabada guul ee geedi socodkan oo ah inuu soo bandhigo xalka lagu shaqeyn karo oo balaadha sida ugu badan ee suuragalka ah tirada codbixiyeyaasha” ayaa mar kale lagu yiri Warbixinta Ururka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post